Mar kale iyo baraamijkeenii Wax ka baro Daafaha Dunida oo ay nu ku eegi jirnay Dalalka caalamka maantana ay nu ku eegi doono Dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Algeria waxa uu kamid yahay wadamada carbeed ee ku yaala qaarda Africa waana mid kamid ah dalalka waqooyiga Africa. Algeria
waxa ay jaar la tahay oo xad la wadaagtaa dalalka Libiya, Niger, Tunisia, Mouritania, Morocco iyo Mali. Caasimada dalka Algeria waxa layidhaa Algiers waxana ay ku taalaa dhinaca waqooyi ee bada dhexe (Meditteranean Sea).
Algeria oo kamid ah dalalka ugu baaxada wayn ee qaarada Africa waxa cabirka bedka dhulkeeda lagu qiyaasaa 919,594.96 (mayl oo laba jibaaran) una dhiganta 2,381,740.00 (kiiloo mitir laba jibaaran).
Dadka reer Algeria tiradoodu waxay kor u dhaaftaa
34-milyan waana tirakoobkii la saameeyay sanadkii 2010-kii. Ageria oo kamid ah wadamada muslimka ah ee dadkiisu sida xawliga ah usii kordhayo ayaa waxa lasaadaaliyaa in tirada Algerianku gaadhi doonaan sanadka
2050-ka in ka badan 52-milyan oo ruux.
Luuqadaha lagag hadlo dalka Algeria ayaa waxa ugu horeysa luuqada maxaliga ah ee Carabiga waxa kale oo ay ku hadlaan qaybo kamid ah dadka reer Algeria luuqada faransiiska oo ay ka dhaxleen gumaystihii Faransiiska iyo luuqada Berber-ka oo kamid ah luuqado qadiimi ah.
Dadka aqoonta leh ee reer Algeria waxay gaadhaan boqolkiiba 61.6%
Diimaha laga aaminsanyahay dalka Ageria ayaa waxa ugu horeysa Diinta Islaamka dadka reer Algeria boqolkiiba 99%, waxa ay haystaan Islaam Suni ah. Boqolkiiba 1%-ka soo hadhayna waxa ay aaminsanyihiin diimaha Christian-ka iyo Jewish-ka. Celcelis ahaan cimriga ragga reer Algeria waxa lagu qiyaasaa 69-sano halka dumarka reer Ageria ay da’doodu ka gaadho 71-sano. Qaabka ay u shaqayso dowlada Carbeed ee Ageria ayaa ah nidaamka jamhuuriga (Government Type republic).
Lacagta Algeria waxa la yidhaa Algerian dinar (DA)
Warshadaha: warshadaha dalka Alageria ayaa waxa lagu farsameeyaa Bartoolka, gaaska dabiiciga ah, macdanaha, qalabka Electrooniga, cuntooyinka iyo kiimikooyinka. Beeraha: beeraha dalka Algeria waxa laga beeraa dalagyo ay ka mid yihiin Qamadiga, Heeda, Saytuunka, iyo Hadhuudhka sidoo kale waxa ka jira dalka Algeria dhaqasho xaga xoolaha ah waxna ay Algerianku dhaqdaan xoolo ay kamid yihiin Lo’da iyo adhigu Dhulka la isticmaalo ee dalka Algeria waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 3%
Khayraadka dabiicaga: khayraaadka dabiiciga ah ee Alle ku manaystay dalka Algeria waxa ugu kamid ah Batroolka, Gaaska dabiiciga ah, iyo macdano ay kamid yihiin iron ore, phosphates, uranium, lead iyo zinc.
Waxaa qoray soona diyaariyay Walaalkeen Saleebaan Bashiir Cumar
Email:- Djibstars@yahoo.com, Djibstars@gmail.com, Djibstars@hotmail.com