Dalka jamhuuriyda hantiwadaaga ah ee Vietnam waxa uu ku yaalaa dhina koonfur bari ee qaarda Eshiya waxana uu xuduud la wadaag dalalka Cambodia, China iyo Loas dhinaca barina waxa kaga dherersan bada shiinaha (China sea). Caasimada dalka Vietnam waxa la yidhaa Hanoi waxan ay ku taalaa dhinaca waqooyi ee u dhow xadka uu dalka la wadaago jamhuuriyada China. Bedka
dhulka uu ku fadhiyo dalka Vietnam ayaa lagu cabiraa 127,243.83 oo (mayl oo laba jibaaran) una dhiganta 329,560.00 (kiiloomitir oo laba jibaaran) dalka Vietnam waxa uu cabir ahaan ka wayn yahay gobolka (New Mexico) ee dalka maraykanka. Dadka u dhasay dalka Vietnam wax tiradoodu kor u dhaafasaa 79-milyan oo ruux, tirakoobkanina waa kii la sameeyay sanadkii 2001-dii bishii July. Korodhka dadka reer Vietnam oo xawli ku socda awgeed waxa ay saadaasha tirada dadka ee sanadka 2050 lugu qiyaasay in ay gaadhi doonto in ka badan 119-milyan oo ruux. Luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa ugu horeysa luuqada Vietnamese-ka oo ah luuqad si caama loogaga hadlo dhamaad gobolada dalka, laakiin waxa luuqada labaad u sharaxan oo dadka ku hadlaa ay sii badanayaan luuqdaa Ingiriisiga. Luuqadaha kale ee laga isticmaalo dalka Vietnam waxa kamid ah French, Chinese, iyo luuqad la yidhaa Khmer.
Dadka aqoonta leh ee dalka Vietnam ayaa gaadha boqolkiiba 93.7% taas micneheeduna waxa ay noqonasaa waxa kaliya oo aan waxna qorin waxna akhriyin dadka reer Vietnam boqolkiiba 7% in ka yar. Diimaha ay hasytaan dadka reer Vietnam waxa kamid ah
Buddhist, Hoa Hao, Cao Dai, Christian (predominantly Roman Catholic iyoProtestant), Cimriga ragga reer Vietnam ayaa lagu qadaraa in uu badiba gaadho 67-sano halka dumarka reer Vietnam ay da’doodu ka gaadho 72-sano. Qaabka ay ku shaqayso dowlada dalka Vietnam ayaa ah nimaadka hawl iyo hanti wadaaaga ama shuuciyada la yidhaa (Government Type Communist state) Lacagta laga isticmaalo Vietnam waxa la yidhaa new dong (D)
Warshadaha ka jira dalka Vietnam waxa lagu farsameeyaa alaab ay kamid yihiin Kabaha, qalabka Dhismaha, Sibidhka, Qaruurada, Buugaagta,Birta iyo sifaynta saliida Beeraha dalka waxa laga beera dalagyo ay kamid yihiin Galayda, Bariiska, Rabadhka, Kaafeega, Muuska, Shaaha iyo Sonkorta waxana kale oo dalka ka jira hawlo ay kamid yihiin dhaqashada digaaga iyo kaluumaysigu. Dhulka la isticmaalo ee dalka Vietnam waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 17% Khayraadka dabiichiga ah ee laga helo dalka Vietnam waxa kamid ah Dhuxul dhagaxda, Dhirta waraaqada laga sameeyo, gaaska dabiiciga ah, awooda tamarta biyaha laga dhaliyo ee (hydropower).
By: Suleiman Bashiir