6 arimood oo aad ku dhimi kartid kadeedka (stress). in badan ayaa waxa aynu maqalnaa qof lagu la leeyahay maxaa ku kadeeday ama qof odhanaya waxa aan dareemayaa culays badan oo arintan iga saaran. Kadeedkan ayaan ahayn mid haba yaraatee aan u roonayn caafimaadka qofka. Hadaba si aad u ilaashato
caafimaadkaaga isku day in aad dhinto kadeedka, degdega ama culayska ku saaran. Waana kuwan 6-da qodob ee aad kula dadaali kartid nafta:1 Ha ku dhibin naftaada iyo dadka kale in ay noqdaan kuwo dhamaystiran.
Bani’aadanka ayaa qaladkiisu badan yahay markaa ma jiro qof markasta sax ah oo dhamaystiran. Adiga oo taa ogna ha ka filan in dadka ama qofka aad la kulantaa noqdo mid dhamasytiran.
2 U kala horumari arimahaaga sida ay u kala muhiimsan yihiin.
Waa in aad liis u samaysataa arimahaaga ama ka dhigataa caado in aad qorshaysid sidii aad ukala horumarin lahayd arimahaaga midiba mida ay ka muhiimsan tahay. Tusaale ahaan shaqada, kulanada iyo howlaha kala duwan ee aad qabsato waa in aad eegtaa mida u baahan in hada wax laga qabto. Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa, Ooda dhacmeed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala hor guraa
3 Tababar jidh dhisid ah: Waa in aad samaysaa tababar joogto ah oo aad maalin kasta hal mar samaynayso. Tababarkaas oo kala noqon kara adiga oo caadaysta in aad maalintii 1 saac si ded deg ah u lugeeya ama u gucleeaya, baaskiil wada, dabaasha ama sameeya nooc kale oo ka mid ah cayaaraha.
4 Ku raaxayso deegaanka
Waa in aad nafta ugu raaxaysid in aad geeyso meelaha dhirta, biyaha, buuraha iyo dabeecadaha quruxda badan leh. Kuwaas oo quruxdoodu nafta u raaxaynayaan. Soomaaliduna waa ta inta badan heesahooda ku tilmaama deegaanka quruxdiisa, shimbiraha, fardaha, daruuraha, qorax soo baxa iyo qorax dhaca.
5 Qorshayso wakhti kuu khaas ah oo joogta ah oo degan
Waa in aad samaysataa wakhti aanad waxba qabanayn oo aad ka helayso degenaansho.
6 Waa in aad hurdo iyo nasasho buuxda heshaa
Jidhkeena iyo maskaxda ayaa waxa ay u baahan yihiin hurdo iyo nasasho ku filan si ay u awoodaan shaqada, fikirka iyo culasyka kale ee inala soo gudboonaada.
Saleebaan Bashiir Cumar