Wax Ka Baro Daafaha Dunida: Dalka Jamhuuriyada Djibouti

Dalka jamhuuriyada  Djibouti.  Dalka Djabouti wax uu kamid yahay wadamada Geeska Africa waxana koonfur galbeed ka xigaa bada cas ee gacanka cadmeed. Wadamada xuduudka la wadaaga dalka jamhuuriyada Djibouti waxa kamid ah dalka jamhuuriyada Somalia, Ethopia iyo dalka Eriteria. Caasimada dalka Djibouti waxa la yidhaa Djibouti waxana ay ku talaa dhinaca koonfur bari ee xigta
xadka Somalia. Dalka Djibouti ayaa waxaa uu xornimadiisa qaatay 27/7/1977 isagoo ka qaatay gumaystihii Fransiiska dagaal badan ka dib xiligaas oo uu wadanka madaxwayne ka noqday madaxwayne Hassan Gouled Abtidon oo ahaa madaxwaynihii ugu horeeyay ee Dalka Djibouti iyadoo madaxwayne ku xigeena ka noqday Ahmed Dini Ahmed.Dadka ku dhaqan caasimada waxa lagu qiyaasaa  in ka badan 596,596(shan boqol lix iyo sagaashan kun sadex boqol iyo lix iyo sagaashan ruux) waana tirakoob la sameeyay sanadkii  2010da. Baaxada dalku ku fadhiyo wax lagu qiyaasaa
8,494.25, oo  (mayl laba jibaaran) una dhiganta
22,000.00,  (kiiloo mitir laba jibaaran). Dalka Djibouti waxa uu qiyaas ahaan ku dhowyahay bedka uu ku fadhiyo gobolka
(Massachusetts) ee dalka maraykanka.
Dadka reer Djibouti ayaa laga qiyaasa ku dhawaad hal milyan oo ruux. Laakiin tirakoobkii sanadkii 2001dii ayaa sheegayay in ay dadka reer Djibouti ay yihiiin   460,700.
Saadaasha ree Djibouti ee sanadka  2050 ayaa lagu qiyaasaa in ay kor u dhaafi doont hal miyan oo ruux. Luuqadaha lagaga hadlo dalka Djibouti waxa kamid ah luuqada faransiiska oo ah luuqad ay ka dhaxleen gumaystihii dalka haystan xiligii gumaysiga, ahna luuqada Koowaad ee dalka, Luuqada Carabiga oo ah luuqada labaad,luuqada soomaliga ayaa iyaduna ah luuqad ay ku hadlaan inta ugu badan ee bulshada reer Djibouti iyo luuqa Canfarta oo ay iyana ku hadlaan bulsho aad u badan.
Dadka aqoonta leh ee reer Djibouti ayaa lagu qiyaasaa boqolkiiba  46.2%
Dadka reer Djibouti waxa ay aaminsanyihiin diinta Islaamka
Celceliska cimriga ragga reer Djibouti ayaa lagu qiyaasaa in ay gaadhaan  49-sano halka dumarkuna aay ka gaadhaan 53-sano.
Qaabka ay u shaqayso dowlada dalka Djibouti ayaa ah nidaamka jamhuuriga
(Government Type republic)
Lacagta laga isticmaalo dalka Jamhuuriyada Djibouti waxa la yidhaa  Djiboutian franc (DF)
 Warshadaha dalka Djibouti waxa badanaa lagu farsameeyaa biyaha, madaama oo dalku aad u kulul yahay waxa aad loo isticmaalaa cabitaanka biyaha sifaysan ee warshadaha soo mara
Beeraha dalka waxa ka baxa khurado kala duwan sidoo kalena dalka Jamhuuriyda Djibouti waxa aad looga dhaqdaa xoolaha nool oo badanaa ay caanku tahay bulshada soomaalidu, waxana lagu dhaqdaa xoolo ay kamid yihiin Adhiga sida Riyaha iyo Idaha  iyo Geela
Dhulka la isticmaalo ee dalka Jamhuuriyada Djibouti ayaa lagu qiyaasaa in kayar boqolkiiba  1%
Dalka Djibouti meelaha uu ku tiirsanyahay dhaqaalahoodu waxa kamid ah Dekeda wayn ee ku taal magaalada caasimada ah ee Djibouti. Dekeden oo ay ka faa’iidaystaan muwaadiniinta reer Djibouti iyo dalka deriska la ah ee Ethiopia oo aan isagu lahay bada, kaas oo kala soo dega Dekeda Djibouti alaabo badan oo muhiim ah labada dal ee Djibouti iyo Ethiopia waxa isku xidha wado tareen oo la sameeyay xiligii gumasiga oo ay si fiican uga faa’iidaystaan labada dalba. 
Dalka Jamhuuriyada djibouti ayaa waxaa soo maray laba madaxwayne Allaha u naxariistee madaxwayne 

Hassan Gouled Abtidon oo wadanka xukumayay laga soo bilaabo xiligii xornimada la qaatay 1977 ilaa 1999. ka dibna uu badalay madaxwayne S.E.M.Ismail Omar Guelleh 1999 ilaa sandkan 2011 walina uu jagada hayo. waxaa iaygu soo maray dhawr Raiisalwasaare waxayna kala ahaayeen sidan soo socota :-
 Ahmed Dini Ahmed 1978 ilaa 1978. iyadoo lagu badilay Abdallah Mohamed Kamil 1978 iyadoo isla sanakaa lagu badilay Barkat Gourad Hamadou oo ahaa 1978 ilaa 2001 kadibna waxaa lagu badalay raiisal wasaare Dileita Mohamed Dileita oo xilka qabtay 2001 ilaa sanadkaan 2011 walina jagada haya  

waa diyaarintii iyo isku duba ridkii Suleiman Bashiir Omar               Djibouti Office

27 June 1977 to 8 May 1999 Hassan Gouled Aptidon.jpg Hassan Gouled Aptidon, President RPP Issa
8 May 1999 to Present Ismail Omar Guelleh 2010.jpg Ismaïl Omar Guelleh, President RPP Issa       


HALKAN KA RAADI WARARKII HORE