Dalka jamhuuriyada Angola waxa uu ku yaalaa dhinaca kuunfur galbeed ee qaarada Africa. Angola wax jaar la ah dalalalka jamhuurida Dimuqraadiga ah ee Congo, Zambia iyo Namibia, dhinaca galbeedna waxa kaga dherersan bad waynta Atlantiga (Atlantici Occean). Caasimada dalka Angola waxa la yidhaa Luanda waxana ay ku taalaa dhinaca waqooyi Galbeed ee dalka gaar ahaan
xeebta bada Atlantiga. Bedka dhulka Angola waxa qiyaasaa
481,353.56 (mayl laba jibaaran) oo u dhiganta
1,246,700.00 (kiloomitir laba jibaaran).
Dadka ku dhaqan dalka Angola ayaa lagu qiyaasaa in kabadan 10-milyan oo ruux waana tirakoobkii la sameeyay sanadkii 2001-dii bishii July.
Bulshada ku dhaqan dalka Angola ayaa lagu wadaa in ay sanadka 2050-ka kor u dhaafto 25milyan.
Luuqadaha lagaga hadlo dalka Angola waxa ugu horeysa luuqada Portuguese-ka oo ah luuqada koowaad waana luuqad laga dhaxlay gumaystihii xiligii gumaysiga waxa kamid ah luuqadaha kale ee lagaga hadlo dalka Angola waxa kamid ah luuqada Bantu-ga.
Dadka aqoonta leh ee dalka Angola waxa lagu cabiraa boqolkiiba 42.0%
Diimaha ay haystaan dadka reer Angola waxa ugu badan diimaha dhaqanka ku salaysan waxana haysta dad gaadhaya boqolkiiba 47%, diinta Roman Catholiga waxa haysta boqolkiiba 38%, halka ay Protestantka ka haystaan dad gaadhaya boqolkiiba 15% .
Cimriga ama da’da ragga reer Angola ayaa gaadha celcelis ahaan 36-sano halka dumarkuna ka gaadhaan 40-sano.
Qaabka ay u shaqayso dowlada dalka Angola ayaa ah nidaamka Dimuqraadiga ah ee madaxweynaha la doorto (presidential system).
Lacagta laga isticmaalo dalka Angola waxa la yidhaa kwanza (NKz).
Warshadaha dalka Angola ayaa waxa lagu farsameeyaa alaabo ay kamid yihiin, Batroolka,Daymanta, Dahabka, kaluunka, tobaakada, sibidhka iyo yuuraaniyamka.
Beeraha dalka Angola waxa laga beeraa: muuska, Galayda, cudbida, tobaakada, kudrada sisinta, Coffee iyo qaybo xoolaha kamid ah.
Dhulka la isticmaalo ee dalka Angola waxa lagu cabiraa boqolkiiba 2%
Khayraadka dabiiciga ah ee dalka Angola waxa kamid ah Bartoolka, Daymanka,iron ore, phosphates, copper, feldspar, bauxite, yuuraniyamka iyo dahabka.
Dalka Angola ayaa kamid ah dalalka ay kunool yihiin xayawaanka duur joogta ah ee sida wayn loogu dalxiis tagaa waxana dalka ku yaal goobo badan oo loo dalixiis tago (National Parks). Si kastaba ha ahaatee Angola waxa uu kamid yahay dalalka koonfur galbeed ee qaarada Africa ee kusii jeeda badwaynta Atlantiga.
W/Q: Saleebaan Bashiir Cumar