Wax ka baro daafaha dunida kuna darso ogaalkaa:- Maxaad ka taqaan Afrika?


Wax kabor aduunyada kuna darso  wixii aad  hore u ogayd:-   waa mar kale iyo war bixinadii  aan uga hadli jirnay ku darso ogaalkaaga oo aanu idiinku hayno qodobo la yaab leh oo xanbaarsan aqoon gaar ah oo  ku saabsan qaarada Afrika.
Ma ogtahay akhristow in dadka ku nool dalka Sierra Leone ay  kunkii qofba, seddex ka mid ahi isticmaalaan Internetka, halka dalka Seychelles, Kunkii qofba 371 ka mid ahi ay isticmaalaan Internetka, isla markaana kunkii qofba 212 ka mid ahi ay haystaan Kumbuyuutaro.
Ma ogtahay in baarlamaanka dalka Rwanda uu noqday ka ugu badan Afrika ee ay dumarku ku leeyihiin kuraasta ugu tirada badan qiyaas ahaan 56.3 %, halka dalalka Sao Tome iyo Principe ay noqdeen kuwa ugu yar qiyaas gaadhaysa1.8 % .
Ma ogtahay dalka Equatorial Guinea in uu noqday dalka Afrika ugu sareeya tirada ragga shaqeeya qiyaas gaadhaysa (93.8%); halka dalka Namibia ay qiyaastaasi ka noqotay (60.35%).
Ma ogtahay in dalka Burundi uu noqday sanadkii 2007-dii dalka ugu badan Afrika ee ay haweenkiisu shaqeeyaan qiyaastii (90.2%); halka dalka Sudan uu noqday ka ugu hooseeya qiyaas ahaan (32.8%).
Ma ogtahay  akhristow in tirada dadka ku nool dalka Djibouti  ay ku nool yihiin magaalooyinka (84.6%), halka dalka Burundi ay ka noqonayso tiradaasi (10.4 %).
Ma ogtahay in dalka Zimbabwe uu noqday sanadkii 2007-dii dalka ugu sareeya Afrika ee dadkiiisa qaangaadhka ahi ay wax qoraan waxna akhriyaan qiyaas gaadhaysa (91.2 %). Halka dalalka Burkina Faso iyo Mali ay noqdeen kuwa ugu hooseeya qiyaas ku siman (28.7%).
Ma ogtahay mase lasocotaa akhristoow in dalka Gabon uu noqday dalka ugu keymaha badan Afrika, iyadoo baaxada dhulka ay keymahaasi ku fadhiyaan ay noqonayso 84.4 %, halka dalka Djibouti uu ka naqonayo dalka ugu yar, keymaha ku yaalaana ay bedka dalkaa ka noqonayaan 0.2 %.
Ma ogtahay dalka Seychelles, in uu noqday dalka ugu badan dumarka wax qora waxna akhriya Afrika qiyaas ahaan 92%, halka dalka Chad ay dumarka wax qora waxna akhriyaa ay ka noqdeen 13%, dalka Niger-na uu noqday 15%.
Ma ogtahay mase lasocotaa in carruurta dhigata dugsiyada hoose ee dalka Mauritius uu 22-kii ardayba ku soo hagaagayo hal macalin oo kali ah, halka dalka Jamhuuriyadda Afri-kadda Dhexe ay 22-kii ardayba ku soo hagaagayaan 91 Macalin.
Ma ogtahay dalka South Africa in uu noqday dalka ugu sareeya Afrika ee sii daaya carbon dioxide-ka qiyaas gaadhaysa 414,649 metric tons, halka dalka Comoros uu noqday dalka ugu hooseeya qiyaas gaadhaysa 88 metric tons.
Ma ogtahay in dalka Cape Verde uu noqday dalka Ugu sareeya tirada ardayda dhigata dugsiyada sare qiyaas ku siman (90%). Halka dalka Niger uu noqday ka ugu hooseeya qiyaas gaadhaysa (11 %).
Ma ogtahay akhristow in Kunkii Carruur ah ee ku nool dalka Sierra Leone ay 272 ka mid ahi dhintaan iyaga oo aan gaadhin Shan sano, halka dalka Seychelles ay dhintaan Kunkii carruur ahba 13 ka mid ahi.
Ma ogtahay dadka ku nool dalka Chad, in 9% kali ahi ay helaan adeegyada lagu horumarinayo goobaha nadaafada ee qashin qubka, halka dalka Mauritius uu noqday ka ugu sareeya qiyaas ku siman 94%.
Ma ogtahay in dadka ku nool dalka Koonfur Afrika. Ay noqdeen kuwa ugu koronto isticmaalka badan qaarada Afrika shakhsi ahaan, celcelis ahaana uu qof waliba isticmaalo koronto qiyaasteedu tahay (4,809.0kW/h); halka dadka dalka Ethiopia ku nooli ay noqdeen kuwa ugu yar isticmaalka korontada, calaa qofna celcelis ahaan ay isticmaalaan (38.4 kW/h).
Ma ogtahay dalka Mauritius in uu noqday dalka ugu badan Afrika ee ay dadkiisu isticmaalaan Kondhomka iyo kiniinka kala dheeraynta dhalaanka qiyaastii 75.85%, halka dalka Chad, uu ka noqday ka ugu hooseeya.
Ma ogtahay dalka Gabon in uu noqday dalka ugu sareeya Afrika dhallinyarada wax qorta waxna akhrida qiyaas gaadhaysa 97%, halka dalka Burkina Faso uu noqday ka ugu hooseeya.
Ma ogtahay akhriste carruurta Shan jirka ka yar ee ku nool dalka Burundi, in 38.9% ay yihiin kuwo miisaanka culayska jidhkoodu uu ka hooseeyo qiyaastii la rabay, halka dalka Gabon ay qiyaastaasi noqonayso 8.8%.
Ma ogtahay in dalka Sudan uu noqday dalkii ugu sareeyay Afrika ee laga hirgeliyo heshiisyada horumarineed ee la sexeexo qiyaas gaadhaysa 53%, halka dalka Rwanda uu noqday ka ugu hooseeya qiyaastii 24%.
lasoco goordhow qaybaha  kale ee wax kabaro aduunyada oo aad idiin xiisa gelin doona.


HALKAN KA RAADI WARARKII HORE