Ma ogtahay akhristow in 7da dhisme ee loogu magac daray 7dii cajiibka badneyd ay shan ka mid ahi ku yaalaan dalal islaam ah. Mase ogtahay in ay hadda yihiin kuwa taariikhdu xusto oo keliya, waxa ayna kala yihiin sidan
1- Ahraamta Kheops oo ku taala Gizeh (Masar) waxaa la dhisay 2590-2470 ka hor Dh.N.C, waana kan keliya ee ilaa iyo hadda taagan.
2- Taalada Zeus oo ku taalay Olimbia (Griig) waxaa la dhisay toddoba qarni ka hor Dh.N.C, waxaana baabi’iyey dab qabsaday sannadii 462.
3- Macbadka Artemis oo ku yaaley Efeso (Turkiya) waxaa la dhisay 6 qarni ka hor Dh.N.C, wuxuuna gebi ahaan burburay horaantii qarnigii 4aad.
4- Dhismihii weynaa ee Halikarnase oo ku yaaley Halikarnese (Turkiya) waxaa la dhisay abbaarihii 325 ka hor Dh.N.C. gebi ahaana wuu burburay.
5- Beeraha raaraca ee Babilooniya (Ciraaq) 604 – 562 ka hor Dh.N.C, lama garanayo waqtigii iyo sababihii burburkoodii.
6- Garoonkii taaladii Rhodi oo yaaley Rhodi (Griig), 292 – 282 ka hor Dh.N.C, waxa ay burburtay abbaarihii 224 ka hor Dh.N.C.
7- Musawacii Aleksandariya wuxuuna ku yaalay magaalada Aleksandariya (Masar), 270 ka hor Dh.N.C, waxaa burburiyey baa qa qiyaasayaa dhul-gariir.
Dhismooyinkaas waxa ay cajiib ku ahaayeen sida loo dhisay iyadoo waqtigaas aysan jirin farsamo iyo qalab casri ah oo u siira gelin karay dadkii wagaa joogay.
F.G. Taariikhdii ka hor dhalashadii Nabi Ciise NKHA. (Dh.N.C) waxaa loo kala hor mariyaa sida ay u kala weyn tahay, ee maaha sida tan maanta oo ah sida ay u kala yartahay.