Wax Ka Baro daafaha dunida: Dalka Jamhuuriyada Portugal

  Dalka jamhuuriyada Portuguese-ka. Dalka Portugal waa mid kamid ah wadamad galbeedka qaarada yurub waxan uu xuduu la wadaag dala Spain.  Oo kaga yaala dhanka waqooyi iyo koonfurta oo ay kaga dherer santahay bada  Atlanga (Atalantic Ocean). Portugal oo kamid ah wadamda ugu taariikhda wayn qaarada Yurub ayaa waxa deegaankiisu u badan yahay dhinaca xeebaha bada Atlantic-ga magaalooyinka waawayn
sida Lisbona iyo Porto waxa ay ku teedsan yihiin xeebta bada Atlantiga. Caasimad dalkana waxa layidhaa Lisbona waxana  ku dhaqa dad gaadhaya (473,589)
Bedak uu ku fadhiyo dalka Portugal waxa lagu qiyaasaa 35,672.36 (mayl laba jibaaran) una dhiganta
92,391.00 (kiiloo mitir laba jibaaran). Bedka uu ku fadhiyo dalka Portugal Waxana uu ku dhow yahay baaxada gobolka  ( Indiana) ee dalka Maraykanka. Dadka ku dhaqan dalka Portugal waxa ay   ka badan yihiin 10-milyan oo ruux, waana tirakoobkii la qaaday sanadkii 2010ka.
Saadaasha sanadka 2050ka ee dadka reer Portugal ayaa lagu wadaa in ay noqoto 9-milyan oo ruux, taasina waxa ay muujinaysaa in dadka Portaqiiskii ay hoos u dhici donaan 1-milyan oo ruux. Luuqada lagaga hadlo dalka Portugal waa luuqada maxaliga aha ee  Portuguese-ka. Dadka aqoonta leh ee dalkan u dhashayna waxa ay gaadhaan boqolkiiba  87.4%. Diimaha ay kala aaminsayihiin dadka reer Portugal waxa kamid ah diinta Roman Catholic oo dadka haystaa gaadhaan boqolkiiba  94%, diinta  kale ee ay dadka inta soo hadhay ay haystaana waa diinta Protestant-ka. Ragga u dhashay dalka Portugal waxa lagu qiyaasaa in da’doodu gaadho  72-sano, halka dumarkuna ay ka gaadhaan ilaa 79-sano.
Qaabka ay u shaqayso dowlada dalka Portugal waa nidaamka baarlamaaniga ah (Government Type parliamentary democracy). Lacagta laga isticmaalo dalka jamhuuriyada Portugal waa lacagta wadamada yuruub ka dhaxaysa ee  euro-da oo loo soo gaabiyo (EUR).
Warshadaha dalka waxa lagu farsameeyaa kabaha, dunta, waraaqaha, birta, saliida, kiimikooyinka, kaluunka, khamriga iyo soo dhawaynta dalxiisayashaa. Beeraha dalkana waxa laga beeraa ama ka baxa dalagyo ay kamid yihiin Baradhada, Midhaha iyo Saytuunka waxa kale oo laga dhaqdaa dalka xoolo ay kamid yihiin Ido, Lo, digaag iyo Riyo dhulka la isticmaalo ee dalka waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 26%. Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxa kamid ah macdamaha tungsten, iron ore, uranium ore, awooda biyaha lagaga dhaliyo tamarta ee (hydro power) kaluunka, iyo dhirta.

W/Q: Suleiman Bashiir Omar


HALKAN KA RAADI WARARKII HORE