Eelo University Second batch Final Project Presentation + Sawiro

Munaasabad balaadhan oo ay soo agaasimeen arday dhawaan ka qalinjabin doonta Jaamacadda Eelo ayaa lagu qabtay hoolka weyn ee jaamacadda waxaana ka soo qayb galay Maamulka ,Macallimiinta, Ardayda Jaamacadda Eelo Iyo Marti Sharaf kale.
Furitaankii munaasabadan ayaa halkaas waxaa ka hadlay mid ka mid ah
ardayda bandhig cilmiyeedkan soo bandhigay oo magaciisa la yidhaahdo Suleiman Bashiir Omar waxa uuna ka warbixiyay ujeedada caawa ka danbaysay barnaamujkan ,kaas oo uu ku sheegay in ay soo bandhigi doonaan waxqabadyo muhiim ah qaar ka mid ah ardayda sanadkan ka baxaysa Jaamacaddu ay diyaariyeen kuwaas oo uu sheegay in ay Jaamacaddu u aayi doonto mustaqbalka danbe.

Furtaankaas kooban ka dib waxaa ay ardaydu guda galeen in ay isku qaybiyaan lix qaybood kuwaas oo qaybkasta oo ka mid ahi ay soo diyaarsatay barnaamuj aqooneed ka mid ah qaybaha waxbarasho ee ay barteen waxaana lixda qaybood kala ahaayeen soona bandhigeen .
Qaybta koowaad Habka ka ganacsiga iyo waxsoosaarka Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda(Fishing System)
Qaybta Labaad  Habka Ka Faa’iidaysiga Awooda Soolar Ee Dabiiciga (Solar Energy)
Qaybta Saddexaad  Habka Maamulka Iyo Maaraynta Dugsiyada (School Management.)
Qaybta  Afaraad  Habka Dabagalka iyo la talinta (Auditing And  Counselting)
Qaybta Shanaad  Habka  la Talinta Ganacsiga (Counselting Business)
Qaybta Lixaad Habka Xayaysiinta Ganacsiga (Business Advertisement )
Munaasabadan ayaa sidoo kale intii ay socotay waxaa halkaas hadalo ka soo jeediyay qaar ka mid ah maamulka Jaamacadda Eelo University kuwaas oo u mahadnaqay waxqabadkan wanaagsan ee ay soo bandhigeen ardaydu waxa ayna ku dhiriyeen in ay sii wadaan waxqabadyada noocanoo kale ah.
Gabogabadii munaasabadan ayaa halkaas waxaa Maamulka Jaamacadda Eelo University lagu gudoonsiiyay nuqulo buug iyo CD ay ardaydani ku soo diyaariyeen barnaamujyo xiisa leh oo ah aqoontii ay ka barteen jaamacaddan Eelo University.
Si kastaba ha ahaatee ardaydan oo dufcadee labaad ee ka qalinjabin doonta Jaamcadda Eelo University ayaa ah kuwo ay ka muuqatay dadaal badan iyo aqoon dheeraada kuwaas oo la filayo in Ciida ramadaan ka dib ay si rasmiya qalinjabintoodu u dhacdo.”






By: Suleiman Bashiir Omar


HALKAN KA RAADI WARARKII HORE