Wax Ka Baro daafaha dunida: Dalka Jamhuuriyada Nigeria


Dalka jamhuuriyada Federaalka ah ee Nigeria. Dalka Nigeria waxa uu kamid yahay wadamada Afrikada Galbeed. Dalalka ku xeeran ee xuduudaha la wadaagana Nigeria waxa kamid ah Cameroon, Niger, Benin iyo Chad. Dhinaca kuunfureedna waxa kaga teedsan badwaynta Atlantiga (Atlantic Ocean). Magaalada Abuja oo ah xaruunta dalka Nigeria waxa ay ku talaa badhtamaha dalka. Bedka dalka waxa lagu qiyaasaa  

356,668.82, oo (mayl laba jibaaran) una dhiganta
923,768.00, oo  (kiiloo mitir laba jibaraan) dalka Nigeri wax dhulkiisu
uu ku labajeer laabmaa gobolka  (California) ee dalka Maraykanka.  Dalka Nigeria oo ah dalka ugu dadka badan guud ahaan dalalka qaarada Afrika waxa ku dhaqan Nigeria dad kor u dhaafaya  152-milyan oo ruux. In kastoo dalka Nigeria ay ka jiraan waxyaabaha hoos u dhiga korodha dadka ayaa   oo kamid yahay cudurka dilaaga ah ee AIDS-ku hadan saadaasha laga bixiyay dadka dalka Nigeria ayaa sanadka  2050 wax ay gaadhi doonaan 303-milyan oo ruux in ka badan. Luuqadaha lagaga hadlo dalka Nigeria waxa ugu horeysa luuqada Ingiriisiga oo ah luuqad ay ka dhaxleen gumaysigii boqortooyada ingiriiska.  Luuqadaha kale dalka lagaga hadlo wax kamid ah luuqadaha
Xawsaha (Hausa), Yoruba, Igbo (Ibo) iyo Fulani.
 Dadka aqoonta leh ee reer Nigeria waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba
57.1%. Diimaha ay kala haystaan qoomiyadaha ku dhaqan dalka Nigeria ayaa wax kamdi ah Diinta Islaamka oo ah diinta ay haystaan dadka ugu badani. Waxana dadka Muslimiinta ah lagu qiyaasaa boqolkiiba  50%, Diinta labaadna waa diinta Kiristanka waxana haysta boqokiiba 40%, boqokiiba  10% ka soo hadhayna waxa ay aaminsanyihiin diimo dhaqanka la xidhiidha. Celceliska ragga reer Nigeria waxa cimrigoodu uu gaadhay 51-sano halka dumarkunaay ka gaadhaan tiro taaa la mid ah.
 Qaabka ay  u shaqayso dowlada dalka Nigeria ayaa ah nidaamka jamhuuriga ah oo uu ku lamaanyahay  nidaam shacbi iyo xukun milatari
(Government Type republic transitioning from military to civilian rule). Lacagta laga isticmaalo dalka Nigeria waxa la yidhaa  naira (N). warshadaha dalka Nigeria waxa lagu farsameeyaa Saliida Caydhiin, Dhuxul dhagaxda, Cudbiga, Rabadhka, Looxa, Hargaha, Sibidhka, Cuntada, Qalabka Dhiska iyo Kabaha. 
Beeraha dalkana waxa ka baxa Kookaha, Galayda, Hadhuudhka, Cassavanaha, iyo Bariiska.
Waxna dadka reer Nigeria ay dhaqadaan xoolo ay kamid yihiin Adhiga, Lo’da iyo  Khinsiirka waxa kale oo dadka reer Nigeria ay si fiican uga faa’iidaystaan kaluunka iyo Geedka Timberka.
Dhulka la isticmaala ee dalka waxa  waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 33%. Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxa kamid ah Gaaska dabiiciga ah, Baatroolka, Dhuxul dhagaxda, iyo macdanaha kala ah: tin, columbite, iron ore,  limestone, lead iyo zinc.

By: Suleiman Bashiir Cumar
              Eelo University  


HALKAN KA RAADI WARARKII HORE