Dhalinyaranimadu wa xiliga ugu wanagsan ee qofka bini’admiga ah soo mara, waqtigaa qofku wuxuu kulansadaa fursado uusan markale heleynin. dhalinyaranimada ayaa lagu tilmaama in ay tahay xiliga qofku uu haysto fursada ugu qaalisan ee noloshiisa, waa tan koowaade in uu yahay xiliga uu ugu caafimaad badan yahay, uguna caqli iyo cudud wanagsan yahay haystana waqti ku filan, ahna qeybta ugu xooga badan bulshada.
Dhalinyaradu waa xooga ugu fir fircoon ee ummad walibaa leedahay, waana muraayada kaliya ee laga eegto waxa bulsha kastaa ku danbeyn doonto mustaqbalka,
oo hadii ay kaalintoodu tahay karti iyo hufnaan la saadaaliyo in masiirka ummadaasi uu himilo wanaagsan ku danbeyn doono, maadama ay yihiin hogaanka iyo mustaqbalka bari. Waana kuwa dalkooda iyo dadkooda meel gaadhsiin kara.
oo hadii ay kaalintoodu tahay karti iyo hufnaan la saadaaliyo in masiirka ummadaasi uu himilo wanaagsan ku danbeyn doono, maadama ay yihiin hogaanka iyo mustaqbalka bari. Waana kuwa dalkooda iyo dadkooda meel gaadhsiin kara.
Waajibaadka Saaran Dhalinyarada
1) Waa inuu hami adduun iyo mid aakhiro ku jiro, Alle ka cabsina leh, lana yimaad cibaado suuban iyo camal wanaagsan, markastana uu yahay qof Alle ku xidhan, kuna dadaala hadba wixii uu fursad Ilaahay u siiyey,(waxbarasho, shaqo).
2) Waa inuu ku dadaalaa siduu u anfici lahaa una hormarin lahaa bulshadiisa, kana qaybqaataa horumarka bulshada adiga oo uga qaybqaadanaya Maskax, Muruq iyo Maal intaba. Waa inuu ku fekara maxaad bulshadaada u qaban kartaa kuna soo kordhin kartaa, kana dhex muuqataa wax qabadka bulshadaada.
3) Waa inay la weyntahay talada waalidkiisa/ehelkiisa/waxgaradku, markastana ka shidaal qaata cidda uu is leeyahay wax bay kugu kordhinayaan. Niyadana ku haya ciddii soo korisay inay markaan miro iyo manfac ka sugayaan.
4) Waa inuusan u qaban waxa uu qabanayo Hebel baa qabte adna qabo, lkn waa inay tahay wax isaga ka go’an oo naftiisa iyo Dadkiisaba anfacaya. Si aad u noqoto qof bulshada wax wayn u taraya waxna ku soo kordhiya.
5) Ogow inaad tahay qof xilka u weyn ee la saarey uu yahay inuu waxbarto, Dadaalo, Shaqeeyo kuna hamiyo si uu naftiisa iyo dadkiisaba u anfaci lahaa, ugana midho dhaliyo kharashkii iyo tacabkii la galiyay heerna u gaarsiiyo bulshadiisa.
6) Ogow in waajib kaa saaran yahay wax qabadka dhulkii iyo Deegaankii aad ku soo barbaartay waxna ku baratay. Mana ah mid halkan lagu soo koobi karo.
Hadaba dhalinyaroy markaan usoo laabano sida uu xaalkeenu yahay xaqiiqdii waxaa muuqata dib u dhac iyo habacsanaan. war miyaanan awoodin inaan maanta meel kasoo wada jeesano oo an qaybsanaanta iyo kala qoqobnaanta ka gudubno, oo waqtigii iyo waayihii ina soo maray wax ku qaadano, oo aan u midowno sidii aan Garab iyo Gaashaan ugu noqon laheyn bulshadeena, Diifta iyo Jahliga ka muuqdana an uga saari laheyn inagoo adeegsaneyna cilmigeena iyo cududeena, Aan ku dayano asaageen oo maanta tiiksaday inay dayaxa tagaan, oo ka tashaday masiirkooda iyo aayahooda.
Waa suurto gal intaa iyo in ka badanba Waxay ku xiran tahay feejignaanta, Isku duubnida, wax wada qabsiga dhalinyarada, iyo inaan yeelano aragti fog iyo Hami dheer. Waxay ku xiran tahay baraarujinta iyo bislaynta bulshadeena.
Waxay ku xiran tahay bahda qalinka oo bulshada hanuuninteeda iyo hagaajinteeda har iyo habeen heegan u ahaada.
Waxay ku xiran tahay dhalinta oo hurdada ka toosta oo dhan u wada jeesata.
Gunaanadka qormadan
Ogow in nolosheenu tahay Maalmo, Usbuucyo, Bilo iyo Sanado laysku daray. Markasta oo ay maalini tagtana cimrigeenii waxaa tagay qayb aan soo laaban doonin ilaa Maalinta Qiyaamada laga gaaro. Maalinta Qiyaamadana waqti kasta oo nasoo maray wuxuu iman isagoo noo markhaati furaya ama nagu markhaati furaya. Waqtigu waa raasamaalka ugu faa’iiddada badan, waana waxa kaliya ee qof kasta oo dunida jooga uu kala siman yahay dadka kale, waayo waxad haysataa 24 saac maalin walba, 7 casho Usbuuc walba, 12 bilood sanad walba. Hadaba ku dadaal inaad si fiican uga faa’idaysto ood qorshayso Noloshaada, sida ay xikmadani leedahay ( Waqtigu waa waxa nolosha laga sameeyo)).
Qofka markuu Sanad u dhamaado, noloshiisii way soo gaabatay, oo hal sano ayaa kabaxay, duqnimo iyo dacfina way soo food saareen, mashquul iyo ilmo korina inay kusoo biireen waa laga yaabaa. Waxaana jirta Murti oranaysa (Maalinwalba waxaa kasii dhib badan, tan ka danbaysa). Waxaana dhab ah qofkii dadaala oo kafikira qiimaha noloshiisa, kuna talagala inuu khayr kasbado, naftiisa iyo bulshadiisaba horumar gaarsiiyo, qorshe wax qabad jeexdo, raad fiican reebo, Ilaahayna talo saarto, waxa hubaal ah inuu hadafkiisa gaadhi doono, kuna guulaysan doono. Insha Allaaaaaaaah.
Allaha inaga yeelo kuwii dariiqa toosan raaca hadafkoodana gaadha. Ameeen
W/Q. Suleiman Bashir Omar
BBA, MPA.
Kampala, Uganda.
Email: ibnubashiir99@gmail.com