Ma ogtahay akhristow in labadii Madaxweyne ee xukunka dalka Masar is-kaga dambeeyey ee la kala odhan jiray; Jamal Abdi-nasir iyo Anwar Sa’daat, inay labaduba dhasheen sanadkii 1918-kii? mise ka war haysaa in Boqorkii Fransiiska ee la odhan jiray Napoleon Bonaparte ay
isku wakhti dhasheen Wellington oo ahaa dagaalyahan u dhashay dalka Britain oo jabiyey Ciidamadii uu watay Napoleonku goobta la yidhaahdo Waterloo inay labadooduba dhasheen taariikhdu markay ahayd 1769-kii! Waxa xusid mudan in 1889-kii ay dhasheen Ragg badan oo taariikhda Dunida ku xusan oo siyaabo kala duwan looga sheekeeyo sida Gudoomiyii Xisbiga Nazi-ga Jermanka ee la odhan jiray Adolf Hitler, majaajileystihii Caanka ahaa ee Charli Chaplin, Jawaharlal Nehru oo ahaa Ra’iisal wasaarihii ugu horeeyey uguna muddada dheeraa ee soo mara dalka India, gabayaagii iyo qoraagii caanka ahaa ee Fransiiska u dhashay ee la odhan jiray Jean Cocteau iyo aqoonyahano iyo Filosoofaro dhawr ah sida; Gabriel Marcel, ustaad Caqaad, Da’haa xuseen iyo taariikhyahankii Ingiriiska u dhashay ee la odhan jiray Toynbee. Akhristow taariikhaha layaabka leh ee isku toosay waxaa kamid ah in labadii Madaxweyne ee la dilay (toog-tay) ee wadanka Mareykan soo maray lana kala odhan jiray Abraham Lincoln iyo John F, Kennedy loo doortay inay qabtaan jagada Madaxweyne nimada dalka Mareykanka sanadandihii kala ahaa 1860-kii iyo 1960-kii ee qarnigii tagay. Mise ogtahay akhristow dilkii labada Madaxweyne loo geystay kadib in xukunkii dalk ay la wareegeen labo Madaxweyne oo ka soo jeeda Koonfurta Wadanka Mareykanka oo magacyadooda koobaad wadaaga oo la kala odhan jiray; Andrew Johnson oo xilka la wareegay markii la dilay Abraham Lincoln iyo Lyndon Johnson oo Jagadaas qabtay kadib khaarijintii loo geystay Madaxweyne John F. Kenndy. Andrew Johnson ayaa dhashay sanadkii 1808-dii halka uu Lyndon Johnson uu ka dhashay 1908-dii, John Booth oo ahaa gacan ku dhiiglihii dilay Madaxweyne Abraham Lincoln ayaa dhashay sanadkii 1839-kii halka Oswald oo ahaa ninkii toogtay John F. Kenndy uu dhashay taariikhdu markay ahayd 1939-kii! Akhristow maalinkii la dili doono Madaxweyne Abraham Lincoln ayuu ilaaladiisa gaarka ah u sheegay inuu dareemayo dad raba inay isaga dilaan isagoo raaciyey inay fududahay in la khaarajiyo Madaxweyne adag tahayna in la is hortaago, waxa sidoo kale isla dareenkaas oo kale xaaskiisa u sheegay Madaxweyne John. F Kenndy maalinkii la dili doono subaxnimadeedii oo ku yidhi marwadiisa dil waxaa ugu fudud kan loo geysto Madaxweyne waxayna ku siman tahay oo kaliya adigoo haysta qori leh diirad meel fogna wax ka dila kolkaas majirto cid badbaadin kartaa Madaxweyne. Madaxweyne Abraham Lincoln iyo John F. Kenndy ayaa ahaa kuwo u ololeeya xuquuqda madaniga ah kana soo horjeeday midab takoorka labada Madaxweyne ayaa la dilay maalin Jumce ah waxaana la socday marka dilka loo geysanayey labada Madaxweyne xaasaskooda. Waxa kaloo mudan in la sheego magaca xoghaynta Madaxweyne Abraham Lincoln in la odhan jiray Mrs. Kennedy halka dhinaca kala xoghaynta John F. Kenndy la odhan jiray Mrs. Lincoln.
W/Q: Suleiman Bashiir Omar Email: djibstars@gmail.com
|