waxaa caawa si hamsami loogi dhawaaqay doorashadii dalka djibouti, oo ay ku loolamayeen Xisbiga UMP ee uu hogaamiyo caynaanshaha Jamhuuriyada Djibouti Ismail Omar Guelleh iyo musharaxa madaxa banaan ee Mohamed Warsame Raage
Ka dib markii la soo gabagabeeyey tiradii codbixiyaasha, Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele oo ka sharaxnaa xisbiga UMP uu ku guulaystey doorashada isagoo heley 80.58% codadka,
Musharaxa madaxa banaan Maxamed Warsame Rage wuxuu heley 19.42%.
Tirada ka qaybgalayaashu codeeyay waxay tahay 69.68%. Dadka aan codka dhiiban waa 30.31%.
Tiradan waxaa lagu dhawaaqay habeenkii xalayto, sida uu ku soo waramayo wariyaha magaalada djibouti ayaa dheegay in ay si habsami ah u dhacday doorashadaasi,waxaana saxaafada u gudbiyey wasiirka Arimaha Gudaha ee dalka Jamhuuriyada Djibouti Mudane Yaasiin Cilmi Buux.
By : Suleiman Bachir Omar
Djibtalk.blogspot.com or
somtalk.blogspot.com
Djibouti Office